Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle oo maanta kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Rooble

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Hirshabelle Dr Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa maanta magaalada Mogadishu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay xaaladda guud ee deeggaanada Hirshabelle, xaaladda amniga iyo dib-u-heshiisiinta. 

Guddoomiyaha oo maalmahan ku sugnaa Mogadishu ayaa kulamo la yeelanayay siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada kasoo jeeda Hirshabelle. 

Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein, ayaa xalay magaalada Mogadishu kulan kula yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu ay tahay deegaannada Hirshabeelle.

Warar kale oo la xiriira