Baarlamaanka 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la yeeshay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein, ayaa xalay magaalada Mogadishu kulan kula yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu ay tahay deegaannada Hirshabeelle.

Xildhibaannada iyo madaxweynaha ayaa iska xog wareystay xaaladda siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo cakirnaanta taagan.

Mudane Guudlaawe, ayaa caddeeyay in maamulka Hirshabelle ay mar walba diyaar u yihiin in dalka ay ka dhacdo doorasho, isla markaanna ay diyaar u yihiin in ay qaataan kaalinta isku soo dhoweynta dhinacyada.

Warar kale oo la xiriira