Warar 

Mogadishu oo lagu soo bandhigay falanqeynta is-bar-bar-dhigida labada hindise-sharciyeed ee ka hadlaya Dembiyada Jinsiga ee Soomaaliya

Somali Public Agenda oo taageero ka heleysa IMS, interpeace iyo platform-ka Kalfadhi ayaa shalay magaalada Mogadishu kusoo bandhigay falanqeyn is-bar-bar-dhigid ah oo ku saabsan hindise-sharciyeedyada Dembiyada Jinsiga ee Soomaaliya, kaas oo doodo xooggan ka dhex abuuray bulshada iyo Baarlamaanka dalka.

Munaasabada waxaa marti ku ahaa Dr Maxamed Xuseen Liibaan oo ka tirsan ururada bulshada rayidka, xildhibaan Xaawa Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka, dhallinyaro, xubno ka socday ururka qareennada Soomaaliyeed iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Laba hindise-sharciyeed oo aad u kala duwan, isla markaana ka hadlaya Dembiyada Jinsiga oo ay soo kala saareen Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa keenay in dadka ay ku jahwareeraan, isla markaanna ay ka dhasheen su’aalo dhowr ah.

Agaasimaha Somali Public Agenda Mahad Waasuge, oo ugu horreyn furay munaasabada ayaa si kooban uga hadlay nuxurkaa falanqeynta, waxaana uu xusay in nuxurka sharciyada iyo waxa ay xambaarsanyihiin aan si ku filan loogu sharaxin shacabka Soomaaliyeed, taas oo uu sheegay in ay horseeday jah-wareer iyo in hindise-sharciyeedka aan si wanaagsan loo wadda-fahmin.

Xildhibaan Xaawa Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka, ayaa xustay in dhowr jeer ay u yimaadeen culimadda Soomaaliyeed oo daba socda hindise-sharciyeed, kuwaas oo sheegaya in qodobo kamid ah sharciga ay ka hor imaanayaan Diinta Islaamka.

Ujeedka falanqeynta lasoo bandhigay ayaa aheyd in dadka loo iftiimiyo nuxurka labada hindise-sharciyeed ee midna uu sameeyay Golaha Shacabka, halka midka kalena ay sameysay Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ayaa sannadkii 2020 dib u celiyay labada hindise-sharciyeed, kaddib markii xildhibaannada ay dalbadeen.

Warar kale oo la xiriira