Falanqeyn 

Is-bar-bar-dhig iyo falanqeyn ku saabsan labada hindise-sharciyeed ee ka hadlaya Dembiyada Jinsiga ee Soomaaliya

Somali Public Agenda oo taageero ka heleysa IMS, interpeace iyo platform-ka Kalfadhi ayaa Isniin (January 18, 2021) magaalada Mogadishu kusoo bandhigay falanqeyn is-bar-bar-dhigid ah oo ku saabsan hindise-sharciyeedyada Dembiyada Jinsiga ee Soomaaliya, kaas oo doodo xooggan ka dhex abuuray bulshada iyo Baarlamaanka dalka.

Laba hindise-sharciyeed oo ka hadlaya Dembiyada Jinsiga oo ay soo kala saareen Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo aad u kala duwanaa, ayaa keenay in dadka ay ku jahwareeraan, isla markaanna ay ka dhalatay su’aalo dhowr ah.

Waxaa jira waxyaabo ay isaga mid yihiin labada hindise-sharciyeed ee Hindishesharciyeedka Dembiyada Jinsiga 2018 iyo Hindise Sharciyeedka Galmada iyo Dembiyada la xiriira ee Baarlamaanku sameeyay.

Waxyaabahaas waxaa kamid ah:

  1. Dembiyada galmada ee looga hadlay labada hindise-shariciyeed waa isku mid: kufsiga, kufsiga kooxeed, ka faa’iideysiga galmo, guurka qasabka ah, guurka caruurta, daandaansi galmo, afduub galmo, adoonsi galmo, galmada dalxiiska, sumeynta ku talagalka ah, heysashada sharci darrada ah ee galmo iyo ujeeddooyin addoonsi la xariirta iyo dembiyada galmada ee la xiriira tikniyoolajiyadda iyo warbaahinta bulshada.
  2. Hindise-sharciyeedyadu midkoodna ma qeexayo qofka loo aqoonsanayo caruur marka loo eego dembiga galmada. Inkastoo hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada lagu ciqaabayo kuwa dembi galmo ka gala caruurta ka yar 11-ka sano illaa xabsi daa’in, ma qeexayo xadka da’da caruurta. Sidoo kale, hindise-sharciyeedka baarlamaanka ayaan ka hadlin qeexitaanka caruurta.

Dhinaca kale, waxa jira xoogaa farqi u dhexeeya labada hindise-sharciyeed, oo ay kamid yihiin:

  1. Qeexitaanka kufsiga ayaa ku kala duwan labada hindise-sharciyeed. Qeexitaanka kufsiga ee Qodobka 4-aad ee Hindise-sharciyeedka Dembiyada Jinsiga waa “wax kasta oo si ula kac ah loo geliyo duleellada jirka (xubnaha taranka ama gadaal) iyadoo la adeegsanayo xubnaha taranka ama wax kale.” Erey bixintu waxay abuurtay dood kulul oo ka dhex dhacday baarlamaanka waxayna dhiirrigelisay faafitaanka aragti taban oo ku aaddan hindise-sharciyeedka. Tani waxaa laga yaabaa inay dhiirrigelisay soo qorista hindise-sharciyeed dib-u-eegis lagu sameeyay oo ay soo diyaariyeen guddi baarlamaan.
  2. Farqiga u dhexeeyaa si faahfaahsan wuxuu uga muuqdaa tirada qodobada ku jira labada hindise-sharciyeed. Hindisesharciyeedka Dembiyada Jinsigu wuxuu ka kooban yahay sagaal qeybood iyo 63 qodob, halka hindise-sharciyeedka baarlamaanka uu ka kooban yahay lix qeybood iyo 39 qodob. Hindise-sharciyeedka hore waxaa ku jira 24 qodob oo dheeri ah sidaas awgeedna wuxuu taabanayaa arrimo badan oo taagan iyo xaalado dhici kara.
  3. Hindise-sharciyeedka Dembiyada Jinsiga wuxuu qeyb gaar ah (Qodobbada 21-34) uga hadlayaa dembiyada galmada ee ka dhanka ah carruurta, isagoo ka hadlaya dhammaan dembiyada galmada sida ay u khuseeyaan carruurta. Hindise-sharciyeedka baarlamaanka wuxuu Qodobka 26-aad keliya kaga hadlayaa dembiyada galmada ee la xiriira caruurta.

4 . Inkastoo Hindise-sharciyeedka Dembiyada Jinsiga uu qeexayo sannadaha xarig ee lagu dabaqi karo fal kasta oo galmo ah, hindise-sharciyeedka baarlamaanku wuxuu tixraacayaa Shareecada Islaamka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliya wixii ciqaab ah iyadoo aan la sheegin ciqaabta. Farqigaani wuxuu ka imaan karaa aqoonta dadka qoray labada sharci. Sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanku, hindise-sharciyeedka lasoo gudbiyay bishii siddeedaad ee sanadka 2020 waxaa iska kaashaday xildhibaannada iyo qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed. Tani waxay fasiraad u noqon kartaa sababta Shareecada iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliya loogu laabanaayo dhammaan ciqaabta la xiriira dembiyada galmada ee ku jira hindise-sharciyeedka uu soo diyaariyay baarlamaanku.

5 . Xuquuqda dhibbanayaasha iyo eedeysanayaasha, baaritaannada, iyo doorka hey’adaha baaritaanka ayaa ku kala duwan labada hindise-sharciyeed. Hindisesharciyeedka Dembiyada Jinsiga wuxuu si faahfaahsan uga hadlayaa (17 qodob) doorka iyo waajibaadka Ciidanka Booliska, Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud, iyo nidaamka garsoorka ee maxkamadaha, iyo sidoo kale xuquuqda dhibanayaasha, arkhaatiyada, iyo eedeysanayaasha. Dhinaca kale, hindisesharciyeedka baarlamaanka ayaa sheegaya in mas’uuliyadda ilaalinta dhibbanayaasha la siiyay Ciidamada Booliska, Xeer ilaaliyaha Guud, iyo dowladda hoose ee maamusha goobta. Sikastaba ha noqotee, hindisesharciyeedka dambe ayaa sidoo kale tiriyay caddeynta loo baahan yahay si kiis loogu tiriyo kufsi, sida warbixinno dhakhtar, markhaatiyo la aqbali karo, iyo natiijooyinka baaritaanka booliiska. Hindise-sharciyeedka koowaad si gaar ah uma sheegayo caddeymaha loo baahan yahay. Sikastaba ha noqotee, shuruudaha caddeymaha ee hindise-sharciyeedka baarlamaanka ayaa ah mid dhibaato leh: tusaale ahaan, kufsi aan markhaati lahayn maxkamad lama horkeeni karo.

  1. Hindise-sharciyeedka Dembiyada Jinsiga wuxuu ku ciqaabayaa kuwa kufsiga geysta 10-15 sano oo xarig ah. Ciqaabta kufsiga ee kuxusan hindise-sharciyeedka baarlamaanka ma cadda. Hindise-sharciyeedka sharciyeedka dambe wuxuu keliya sheegayaa in ciqaabta la kordhin doono haddii dhibanaha kufsiga loo geystay uusan fayoobayn, naafo yahay / nugul yahay, ama caruur yahay.

Talooyin tixgelin mudan

Sharci ku saabsan dambiyada galmada wuxuu noqon doonaa sharci muhiim ah oo ilaalinaya xuquuqda dhibbanayaasha xadgudubyada galmada ee Soomaaliya islamarkaana ka hortaga dambiyada noocaas ah. Talooyinka soo socda ayaa la tixgelin karaa.

  1. Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka iyo Baarlamaanku way wada fadhiisan karaan waxayna sameyn karaan dibu-eegis taxaddar leh si loo ogaado qodobbada hindise-sharciyeed kasta ee muhiimka ah iyo in mustaqbalka la mideeyo labada hindise-sharci. Nuxurka labada hinidse-sharciyeed, gaar ahaan dambiyada galmada, waa isku mid, inkastoo tafaasiishu kala duwan tahay. Iswaafajinta labada hindise-sharci iyadoo loo xilsaarayo khubaro xagga sharciga ah iyo in laga qeyb geliyo bulshada rayidka inta lagu gudajiro hannaanka iswaafajinta waxay soo saari kartaa hal hindise-sharci oo leh faahfaahinta lagama maarmaanka ah, aqbalaadda iyo aragtida saamileyda muhiimka ah oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha diinta, kuna habboon mabaadi’da diinta Islaamka ee dambiyada la xiriira galmada iyo iyadoo la tixgelinayo qiyamka iyo xeerarka dhaqanka Soomaalida.
  2. Fahamka dadweynaha ee baaxadda iyo nuxurka labadaba hindise-sharci ee ku saabsan dembiyada galmada ma xooggana. Xasaasiyad ayaa si sahal ah loo kiciyey oo buuqa dadweynaha ayaa meesha ka saaray dooddii wax ku oolka ahayd. Waxaa loo baahan yahay olole ballaaran oo wacyigelin ah oo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee ku lugta leh sameynta sharciga dembiyada jinsiga. Waxaa muhiim ah in la kordhiyo wacyiga dadka jaangooya siyaasada iyo kuwa ku howlan, iyo sidoo kale in laga qeyb geliyo bulshada doodaha ku saabsan halista dambiyada noocan oo kale ah, si loo gaaro aqbalaad ballaaran taasoo keeni karta yareynta xadgudubyada galmada ee loo geysto haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed. Howsha wacyigelinta waxaa lagu hormarin karaa iyadoo la tixraacayo guddiga lasoo jeediyay ee Jinsiga iyo Xadgudubka Jinsiga, kaasoo ka hoos shaqeyn doona Guddiga Xuquuqda Aadanaha sida ku xusan qodobka 111B ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
  3. Xeerka Ciqaabta Soomaaliya ee 1962 waxaa ku jira qodobo u baahan in la waafajiyo hindise-sharciyeedka dambiyada galmada. Dibu-eegista iyo cusbooneysiinta Xeerka Ciqaabta Soomaaliya (oo la diyaariyay horaantii 1960- yadii) oo ay ku jiraan ciqaabtiisa iyo arrimaha la xiriira dembiyada galmada iyo hababka kale ee dambiyada ayaa muhiim ah.
  4. Baaritaan sax ah iyo ciqaabta dambiilayaasha geysta xadgudubyada galmada suuragal ma ahan haddii aanan la helin booliis karti iyo xirfad leh, adeegga dacwad-oogista, iyo garsoor. Awoodda (iyo helitaanka) garsoorka iyo saraakiisha dacwad oogista, iyo sidoo kale booliska loo igmaday inay baaraan dambiyada, ayaa aasaas u ah fulinta sharciyada khuseeya dembiyada galmada. Xoojinta hay’adahaan waa in mudnaan la siiyaa si loo hubiyo hannaan sax ah oo leh dhageysi caddaalad ah iyo fulinta go’aamada maxkamadda.
  5. Guurka qasabka ah waxaa lagu yareyn karaa iyadoo kor loo qaadayo wacyiga iyo aqoonta bulshada si ay u fahmaan rabitaanka xorta ah iyo doorashada qof ahaaneed, iyo fulinta ciqaabta dambiyada guurka qasabka ah iyo kuwa geysta.

Warar kale oo la xiriira