Warar 

Madaxweynaha Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo ka wadda-hadlay doorashooyinka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Mogadishu kula kulmay Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Labada mas’uul ayaa ka wadda hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tabashooyinka iyo marxalada doorashada iyo xaaladda kala guurka ee uu dalku galay.

Dhinaca kale waxaa ay isla soo qaadeen sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka ka taagan doorashada madaama Hirshabelle ay u dhowdahay dhinaca dowladda federaalka.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa uga warbixiyay Sheekh Shariif xaalada deegaanka Hirshabelle, arrimaha amniga iyo dib u heshiisiinta.

Mudane Guudlaawe, ayaa maalin ka hor Mogadishu kula kulmay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo deegaan doorashadooda ay tahay Hirshabelle. 

Warar kale oo la xiriira