Warar 

Madaxweynaha Jubbaland iyo wakiilada beesha caalamka oo ka wadda-hadlay amniga iyo doorashooyinka

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kulan uu kaga qeyb-galay Zoom-ka la yeeshay wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galay Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Itoobiya iyo Danjirayaal kale.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa arimaha muhiimada u leh xaalada hadda lagu jiro, gaar ahaan amaanka iyo doorashooyinka.

Mas’uuliyiintu waxay isla soo qaadeen sida ay ahmiyada weyn u leedahay in wada hadal lagu dhammeeyo is marin waaga ka taagan arimaha doorashooyinka taas oo ah xalka ugu haboon ee laga gudbi karo waqtigan kala guurka ah.

Jubbaland oo kamid ah dhinacyada dhaliilsan ka qeyb-galka doorashooyinka ayaa horay dowladda uga codsatay in maamulka Gedo lagu soo wareejiyo, waxaana sidoo kale ay cabasho ka muujiyeen guddiga doorashooyinka heer federal.

 

Warar kale oo la xiriira