Falanqeyn 

Falanqeyn: Qodobbada ugu muhiimsan ee hindise-sharciyeedka Baarlamaanka

Dembiyada galmada: Qodobbada 8-10 waxay ka hadlayaan kufsiga. Qodobka 8-aad wuxuu sheegayaa in qof kasta oo isku daya fal kufsi inuu dambi galay ayna mudan tahay in lagu ciqaabo sida uu qabo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Sida ku cad Qodobka 9-aad, kufsigu waa ficil galmo oo uu qof kula kaco qof kale, oggolaansho la’aan. Sida ku xusan qodobka 9 (2), kufsigu waa ficil toos ah oo ula kac anshax xumo galmo ah, taasoo dhacda marka labo xubnood oo kala jinsi ah ay galmoodaan ama marka xubinta galmada ee labka la geliyo xubinta taranka ee dheddiga. Qof kasta oo gala dambigaas waxaa lagu ciqaabayaa si waafaqsan shareecada Islaamka.

Xukunka kufsiga ee ku xusan hindise-sharciyeedkan lama caddeyn. Qodobka wuxuu sheegayaa keliya in ciqaabta la kordhin doono haddii dhibanaha kufsiga uusan fayoobayn, naafo yahay /nugul yahay, ama yahay cunug. Intaa waxaa dheer, yaa noqonaya canug xaaladdan ma cadda. Qaangaarka jirka badanaa way ku kala duwan yihiin dadka. Hadduu qofku 15 jir yahay ama ka yar yahay laakiin uu jir ahaan qaangaaray, qofkaasi weli ma yahay caruur? Kuwani waa qaar kamid ah su’aalaha farsamo ee qodobkan uusan faahfaahin.

Qodobka 10-aad wuxuu ka hadlayaa kufsi-wadareed. Tani waxay dhacdaa markii labo qofood ama ka badan ay si wada jir ah u galaan fal kufsi ah oo ay u geystaan hal qof ama ka badan, iyagoo adeegsanaya xoog, hub, ama ciqaab. Qodobkan wuxuu qeexayaa in ciqaabta koox kufsi geysatay ay sii kordheyso haddii kufsiga loo geysto qof nugul sida cunug, qof waalan, ama qof baahi gaar ah qaba. Waxay intaas kudareysaa in ciqaabta ay sidoo kale kordhi doonto hadii kufsiga uu sababo infekshinka HIV / AIDS.

Qodobka 18-aad wuxuu ku qeexayaa inuu yahay fal dambiyeed galmo marka qofku ku khasbo qof kale guur iyadoo uusan ka warqabin qoyskiisa ama qoyskeeda. Hindise-sharciyeedka ayaa sheegaya in dadka noocaas ah ay mari doonaan ciqaabta ay kusoo rogeen shareecada Islaamka iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee guurka khasabka ah. Sidoo kale, qofka ku caawiya qof kale guurka khasabka ah wuxuu galayaa dambi ah inuu ku xadgudbay xuquuqda (iyo inuu dambi ka galay) qofka la khasbay.

Hindise-sharciyeedku wuxuu sharraxaad guud ka bixinayaa arrimaha la xiriira guurka khasabka ah. Hindise-sharciyeedku faahfahiin kama bixin waxa noqon kara guurka khasabka ah, iyo sidoo kale, sida looga hortagi karo guurka khasabka ah.

Arrin la xiriirta oo ah guurka carruurta waxaa looga dooday qodobka 26-aad. Qodabkaan wuxuu sheegayaa in guurka carruurta shareecada islaamku oggoshahay, laakiin, waa in ninku sugaa ilaa iyo inta qofka dhallinta yar uu ka awoodi karo in uu sameeyo galmo. Waxaana Khasab ah in uu ogaado suurtagalnimada xaaladda caafimad ee ka dhalan karta. Qodobkani wuxuu sheegayaa in aan lala sameyn karin galmo qof aan awoodin. Qofkasta oo xiriir galmo la sameeya qofkaas wuxuu masuul ka yahay dhaawaca, iyadoo loo fiirinayo shareecadana waxaa lagu ciqaabayaa karbaash/tacsiir.

Dhaqanka muxaafidka ah ee xooggan ee Soomaalida iyadoo la eegayo, hindise-sharciyeedku wuxuu ka fogaanayaa in uu magacdhabo da’da qofka noqon kara carruur marka la joogo guurka. Tani waxay Soomaalida dhexdeeda ka abuurtay doodo kulul. Axdiga Qaramada Midoobey ee xaquuqda carruurta wuxuu ku qeexay carruur qofkasta oo ka yar 18 sano. Sikastaba ha noqotee, dhaqanka Soomaaliyeed qaangaarnimada waxaa lagu cabiraa qaangaarnimada jinsi ee qofka sidaas daraaddeedd isku si looma wada arko. Gabdhaha laga bilaabo da’da 12 ama kasii yar ayaa loo arkaa qaangaarnimadooda. Hindisesharciyeedku wuxuu leeyahay qeybo gaar ah (qodobbada 21-34) oo looga hadlayo danbiyada galmada ee ka dhanka ah carruurta.

Qodobka 19-aad ee hindse-sharciyeedka baarlamaanka wuxuu soo jeediyay qofkii lagu helo daandaansi galmo, in dhibbanaha lagula kacay uu ka codsan karo maxkamad amar fogeyn ah, haddii lagu xadgudbana waxaa dambiilaha lagu ciqaabayaa Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Hindise-sharciyeedku wuxuu daandaansi galmo ku qeexayaa marka qof si ula kac ah uu uga raadiyo galmo aan sharci ahayn qof kale, isagoo kaga faa’iideysanaya xaaladdiisa, sida in shaqo loosoo bandhigo, dallacsiin ama gaarsiinta wax qiimo leh qofka falka lagula kacay. Qodobku wuxuu daandaansi galmo ku timaamayaa isku dhawaansho xad-dhaaf ah, ka faa’iideysi jireed, iyo ku kadeedid faraxumayn jinsiyadeed taasoo sharci iyo akhlaaq ahaanba aan bannaaneyn.

Daandaansi galmo waxaa loo arkaa in uu yahay caqabad ka jirta goobo badan oo shaqo ee Soomaaliya. Shaqo la’aantu aad bay u sarreysaa dumar si daran u raadineysa shaqo ayaana la weyddiisan karaa galmo baddelkeedana la shaqaaleeyo. Daandaansi galmo wuxuu ka dhacaa goobaha qaar ay shaqaaluhu yihiin dumar ayagoo la weyddiisan karo in galmo lala sameeyo si mushaarka loogu kordhiyo. Dhacdooyin badan oo sidan oo kale ahna dhibanuhu ma sheego.

Si looga jawaabo cabaqadaha soo ifbaaxaya ee la xiriira internet-ka iyo isticmaalka baraha bulshada oo batay, qodobka 23-aad wuxuu mamnuucayaa faafinta muuqallada, sawirrada galmeed noocay doonaan ha ahaadeen ee baraha bulshada. Qofkasta oo lagu helo gelidda danbigaan waxaa lagu ciqaabayaa iyadoo loo eegayo shareecada islaamka 80 karbaash, waxaana looga baahan yahay bixinta magdhawga dhaawaca nafsadeed iyo midka mooral ee dhibbanaha. Qofkasta oo baahiya cod qofeed, filim, sawir la qaadey ama la duubay inta lagu guda jiro galmo waa dambiile isku day dil sharcidarro ah dhaqanka iyo caadada Soomaaliyeedna waa wax kasoo horjeeda. Waxaana lagu ciqaabaya si waafaqsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Somali Public Agenda/ InterPeace/ Kalfadhi.com

Warar kale oo la xiriira