Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Wasiirka Qorsheynta oo ka shiray dar-dar-gelinta mashaariicda

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Dr. Cabdixakim Luqmaam Xaaji Muxumed, ayaa  maanta magaalada Mogadishu kula kulmay Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah AMB. Jamaal Xasan.

Labada Mudane ayaa ka wadda hadlay dar-dar-gelinta mashaariicda dowladda ay u qorsheysay deegaannada Hirshabelle, madaama is-beddel cusub oo dhinaca siyaasadda uu ku yimid Hirshabelle.

Wasiirka Qorsheynta, ayaa sheegay in dowladda ay sii xoojin doonto mashaariicda, iyadoo maanka lagu hayo saameynta xanuunka COVID-19.

Warar kale oo la xiriira