Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la kulmay guddi ka socda bulshada Magaalada Badhan

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda  Puntland Abdirashid Yusuf Jibril iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa xalay kulan xog wareysi ah la yeeshay guddi ka socda bulshada Magaalada Badhan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta Dawladda iyo shacabka, caqabadaha jira, horumarinta bilicda iyo amaanka Gobolka sanaag iyo taageerista wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.

Guddoomiyaha iyo wafdi xildhibaanno ah oo maalmahan ku sugnaa gobolka, ayaa kulamo la yeelanayay bulshada iyo maamulka deegaannada.

Warar kale oo la xiriira