Baarlamaanka 

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka oo ku baaqday in la sameeyo xeer gaar ah oo ka hadlaya kufsiga

Xildhibaan Xaawa Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka, ayaa sheegtay in loo baahanyahay in la helo xeer gaar ah oo ka hadlaya kufsiga, isla markaanna la dhigo saldhigyada booliska iyo maxkamaddaha.

Xildhibaan Xaawo, ayaa hadalkaasi todobakan ka sheegay madal lagu soo bandhigay falanqeyn is-bar-bar-dhigid ah oo ku saabsan hindise-sharciyeedyada Dembiyada Jinsiga ee Soomaaliya oo ay soo saareen Somali Public Agenda oo taageero ka heleysa IMS, interpeace iyo platform-ka Kalfadhi.

Dhallinyarada, hay’addaha aan dowliga aheyn, ururada bulshada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahada ayey ugu baaqday in ay ka hadlaan sidii loo heli lahaa xeerkaasi isla markaana ay guddigeeda kala shaqeyaan dadaallada ay wadaan.

“Wasiirad cusub ayaa hadda joogta iyadana waan kala hadalnay arrimaha la xiriira sidii loo de-dejin lahaa hindise-sharciyeedka jinsiga iyo in baarlamaanka lagala shaqeeyo sidii loo meel-marin lahaa”.

Warar kale oo la xiriira