Warar 

Madaxweynaha Galmudug oo kulan looga hadlay hanaanka doorashada la yeeshay wakiiladda beesha caalamka

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta aalada Zoomka kaga qeyb-galay kulan uu la yeeshay wakiilada beesha caalamka. 

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa soo qaban-qaabiyay kulanka iyadoona ay qeyb-galeen wakiilo ka kala socday Midowga yurub, Mareykanka, Ingiriiska, Sweden iyo midowga Afrika.

Shirka ayaa diirradda lagu saaray xaaladihii u danbeeyay ee hanaanka doorashada dalka ee 2021.

Wakiiladda beesha caalamka ayaa maalmihii la soo dhaafay sidan oo kale kulan la yeeshay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Warar kale oo la xiriira