Warar 

Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo ka wadda hadlay xal u helida tabashooyinka la xiriira doorashada

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. 

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan xal u helida tabashooyinka la xiriira doorashada.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shalay sidan oo kale kulan la yeeshay wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb-galay Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Safiirada dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Sweden, Itoobiya iyo Danjirayaal kale.

Puntland iyo Jubbaland ayaa ka soo horjeystay ka qeyb-galka doorashada, waxaana ay dowladda ku dhaliileen habka ay dooneyso in doorashada ay u dhacdo.

Warar kale oo la xiriira