Warar 

Wasiirka Haweenka Jubbaland oo Golaha Wasiirrada uga warbixisay shir looga hadlay qoondada haweenka

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir-guddoominayay shirka Golaha Wasiirrada.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu horreyn golaha uga warbixiyey xaaladda siyaasadda ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo xaaladda gobolka Gedo.

Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa golaha la wadaagay xaaladdo uu sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay kusoo kordheen Gedo, oo ay kamid yihiin sida uu xusay dilal iyo qaraxyo ay fuliyeen al Shabaab.

Dhinaca kale, Wasiirka Caafimadka ee Jubbaland Mudane Mursal Maxamed Khaliif, ayaa dhankiisa ka warbixiyey safar uu ku tagay qayb kamid ah deegaanada Jubbaland gaar ahaanna gobolka Gedo, wuxuuna sidoo kale warbixin ka bixiyey shir sanadle ah oo ay Wasaaradu qabatay sannadkii afaraad oo xiriir ah, kaas oo ay ku kala war qaataan Hay’adaha deeqaha bixiya iyo Wasaarada Caafimaadka waxaana inta badan diiradda lagu saaraa waxyaabihii la qabtay iyo kuwa la qabanayo.

Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlad Goboleedka Jubbaland Marwo Qamar Deeq Xaaji Khaliif, ayaa dhankeeda Golaha Wasiirrada uga warbixisay safar ay ku tagtay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kaga qayb gashay shirar dhowr ah oo looga hadlaayey arrimaha qoondada Haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin doorashooyinka dalka.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira