Baarlamaanka 

Xildhibaan Farxiya Muumin “Mid kamid ah saddex jid ayuu ku yimaadaa xeer kasta”

Xildhibaan Farxiya Muumin oo tirsan Golaha Shacabka, oo ka hadleysay xeerka Dembiyada Jinsiga ee dooda ay ka taagantahay, ayaa sheegtay in xeer kasta Baarlamaanka uu kusoo gaaro saddex jid.

“Jidka koowaad ayaa ah in xeerka uu ka yimaado Golaha Wasiirrada, jidka labaadna waxaa uu yahay in xeerka uu ka dhasho Baarlamaanka iyo jidka saddexaad oo ah in xeerka uu ka yimaado Ururada Bulshada Rayidka isagoo ay la socdaan saxiixyo badan”.

Xildhibaan Farxiya, ayaa xustay in xeerka Dembiyada Jinsiga uusan ku imaanin mid kamid ah saddex jid ee la yaqaanno, iyadoona carabka ku adkeysay in aysan arkin xeerka Dembiyada Jinsiga ee la sheegay in Baarlamaanka uu sameeyay.

Sharcigii koowaad waxaa uu ku yimaaday jidka saxda oo ah Golaha Wasiirrada, halka sharciga labaad aan la oggeyn halka uu ka yimid.

Laba hindise-sharciyeed oo aad u kala duwan, isla markaana ka hadlaya Dembiyada Jinsiga oo ay soo kala saareen Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa keenay in dadka ay ku jahwareeraan, isla markaanna ay ka dhasheen su’aalo dhowr ah.

Somali Public Agenda oo taageero ka heleysa IMS, interpeace iyo platform-ka Kalfadhi ayaa todobaadkii hore magaalada Mogadishu kusoo bandhigay falanqeyn is-bar-bar-dhigid ah oo ku saabsan hindise-sharciyeedyada Dembiyada Jinsiga ee Soomaaliya, kaas oo doodo xooggan ka dhex abuuray bulshada iyo Baarlamaanka dalka.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira