Warar 

Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka oo maanta Mogadishu uga furmay shir soconaya maalmo

Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka ayaa maanta magaalada Mogadishu uga furmay shir afar maalmood soconaya oo ay ka qeyb-galayaan dhammaan howl-wadeennada guddiga.

Shirka waxaa looga hadlayaa waxa-u-qabsoomay guddiga iyo caqabadihii soo wajahay.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliima Ismaaciil, oo khudbad ka jeedisay furitaanka shirka ayaa tilmaamtay in Guddiga uu shaqo wanaagsan ka qabtay fulinta qorshayaashii u daganaa, halka caqabadaha la xariira arrimaha siyaasadda ay wax badan ka dhigeen in ay suura-gali waayaan. 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka carabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta hawl-wadeennada Guddiga taas oo dhiirra-galisay in ay wax badan ku qabsoomaan sidii loo qorsheysay. 

Guddoomiye Xaliima ayaa ugu dambeyn raja badan ka muujisay in Guddiga uu wax cusub kusoo kordhin doono istaraatiijiyadda sannadka 2021-2025, isla markaanna ay laba jibaari doonaan shaqooyinka si wadanka ay uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Warar kale oo la xiriira