Warar 

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta ka qayb galay aas Qaran oo loo sameeyey Suldaan Carabduur

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Arimaha Diinta iyo Dastuurka DPL Mudane, Cawil Sheekh Xaamud ayaa ka qayb galay aas Qaran oo loo sameeyey Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Xaaji Nuur (Carabduur) oo ku geeriyooday Garoowe.

Gudoonka ayaa salaatul Jinaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Suldaan Cabdullaahi Xaaji Nuur (Carabduur) oo ka mid ahaa Isimada dhaqanka iyo aas’aasayaashii Dawladda Puntland, ahaana isim ku suntanaa Nabada.

Sidoo kale, waxaa aaska Qaran ka qeyb galay xubno ka tirsan Goleyaasha Dawladda Puntland, isimo, nabadoono iyo waxgarad.

Warar kale oo la xiriira