Warar 

Maxey ka wadda-hadleen madaxweyne Qoor-Qoor iyo wakiilka QM ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan iyo qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo  Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.

Madaxweynaha Galmudug kulanka waxaa ku wehliyay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Guddoomiye xigeenka Baarlamaanka GM iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Galmudug.

Kulanka waxaa looga hadlay qorshayaasha horumarineed ee ka socda Galmudug sida horumarinta dhaqaallaha iyo adeegyada bulshada, dhismaha iyo dhammeystirka dowladaha hoose, arrimaha bini’aadanimada, amniga iyo arrimaha doorashooyinka Dalka.

Warar kale oo la xiriira