Baarlamaanka 

Xildhibaan Canad Xasan “Waa in shaqadda doorasho Qof iyo Cod ay bilaabataa marka Baarlamaanka 11 la soo dhiso”

Xildhibaan Canad Xasan Cilmi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaaka, ayaa sheegtay marka Baarlamaanka cusub ee 11 shaqadiisa uu bilaabo in Guddiga doorashooyinka ay toos u guda-galaan howsha doorasho Qof iyo Cod ah.

Waxaa ay xustay in mar haddii dalka uu helo doorasho toos ah in dhammaan arrimaha murugsan ee doorashooyinka ka taagan ay dhammaan doonaan. Guddiga doorashooyinka ayey sheegtay in ay leeyihiin waaya-aragnimo badan oo ay ka dhaxleen tababaro badan oo ay ka qeyb-galeen.

Doorashooyinka dadban ee heer-federaal ayaa wali waxaa ka taagan khilaad ka dhaxeeya dowladda dhexe, maamulada Puntland iyo Jubbaland iyo musharraxiinta mucaaradka.

 

Warar kale oo la xiriira