Warar 

Abwaan Ilka Case oo ka codsaday beelaha in ay soo xushaan shaqsiyaad wanaagsan oo xildhibaanno u noqda

Abwaan Ilka Case, oo si kooban ula hadlay Kalfadhi ayaa sheegay in uu dhaliil u hayo inta badan xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay in aysan caawinin shacabka u baahan caawimaadda.

Xili dalka doorasho uu isku diyaarinayo bisha soo socota, ayuu ka codsaday beelaha in ay soo xushaan dad wanaagsan oo uga mid noqda Baarlamaanka. Waxaa uu raaciyay hadalkiisa in la doorto dhallin waddaniyad leh oo dalka iyo dadka caawinaya.

Abwaan Ilka Case, ayaa xusay in uusan wali helin xildhibaankii ku metali lahaa Baarlamaanka.

Qabsoomidda doorashooyinka dalka ayaa waxaa ka taagan khilaaf ka dhaxeeyay qaar kamid ah saamileyda siyaasadda dalka balse wakiiladda beesha caalamka ayaa hadda wadda dedaalo la isugu soo dhoweynayo dhinacyada isku khilaafsan doorashada.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira