Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-Galbeed oo kulan la yeeshay ku-xigeenka wakiilka QM

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi, ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay wafdi uu hoggaaminayay safiir ku-xigeenka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ahna  is-kuduwaha Qaramada Midoobey ee arrimaha gar-gaarka Soomaaliya Adam Abdelmoula.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda bani’aadmino ee ka jirta deeggaanno ka tirsan maamulka oo ay al Shabaab go’doomiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Ahmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiiboyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdinasir Cabdi Caruush, oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa QM uga mahadceliyay taageerada ay siiyaa maamulka. 

Warar kale oo la xiriira