Warar 

Madaxweynaha Somaliland iyo safiirka Denmark oo ka wadda-hadlay doorashooyinka golaha wakiillada iyo deegaanka

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qaabilay safiirka dalka Denmark, Amb. Ole Thonke oo Somaliland u tegay safar shaqo.

Labada dhinac ayaa ka wadda-hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka, kuwaasi oo qabsoomaya 31/05/2021. 

Sidoo kale, waxa kulanka lagu lafo-guray horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinaca dimuquraadiyadda iyo arrimaha bulshada, sanduuqa horumarinta Somaliland ee (Somaliland Development Fund) oo ay dawladda Denmark qayb ka tahay dawladaha ku midoobay iyo horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga yaryar.

Waxaanu safiirku xusay inay ka dal ahaan halkii ka sii wadi doonaan dhaqaalihii ay horeba ugaga qayb qaadan jireen arrimaha bulshada iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ka socda.

Madaxwweynaha Somaliland, ayaa ugu dambeyn dawladda Denmark uga mahadnaqay dedaalka iyo garab istaagga ay Somaliland la barbartaagan tahay marwalba, gaar ahaan sanduuqa horumarinta Somaliland ee (SDF) loo soo gaabiyo oo ay dawladda Denmark qayb weyn ku leedahay kaalmada ay midowga Yurub isugu geeyeen sanduuqaasi. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Denmark inay ka mid noqotay dalalkii ugu horreeyey ee Somaliland ka furta xafiis ka shaqeeya danaha labada dal.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira