Warar 

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Wakiiladda Beesha Caalamka oo ka wadda-hadlay khilaafka Doorashada

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa kulan khadka Internet-ka ah la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyagoo kala hadlay xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Guudlaawe iyo Wakiilada Beesha caalamka ayaa ka wadda hadlay muhiimadda ay leedahay in xal laga gaaro khilaafka Doorashada si loo qabto doorasho loo wada dhan yahay.

Mudane Guudlaawe, ayaa Wakiiladda Beesha Caalamka u caddeeyay in Hirshabelle ay diyaar u tahay in kaalinteeda ay ka qaadato sidii is-faham looga gaari lahaa doorashooyinka.

Wakiiladda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo la yeelanayay madaxda mamul-gobolleedyada si ay uga shiraan xalka khilaafka doorashada iyo tabashooyinka ka taagan.

Warar kale oo la xiriira