Warar 

Xildhibaan Faysal Cumar “Madaama daqliga dalka uu kordhay, waa in la shaqaalleysiiyaa ardayda kasoo baxday jaamacaddaha”

Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa Wasaaradda Maaliyadda xusuusiyay in laga rabo in ay xaliyaan shaqa la’aanta baahsan ee heysata dhallinyaradda gaar ahaa, ardayda sannad kasta kasoo baxda jaamacadda dalka.

Mudane Faysal oo horay usoo noqday wasiir ku-xigeenka Wasaarada Waxbarshada ayaa sheegay in sannad kasta 50 ilaa 60 kun oo arday ay kasoo baxaan jaamacadaha dalka, iyadoona aan loo sameynin wax shaqo abuur ah.

Madaama daqliga dalka iyo mashaariicda ay kordheen, waa in ay ardayda helaan fursado shaqo si aysan u tahriibin. Afartii sanno ee lasoo dhaafay iyo halkii sanno ee doorashada marka la isku geeyo waa shan sanno, muddadaasi dowladda dad ma aysan shaqaalleysiinin, taasina waa caqabad, ayuu yiri.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira