Warar 

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganey oo Xukuumadda ku eedeeyay in ay cunaqabateyneyso shacabka

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganey, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo Xukuumadda Federaalka ku dhaliilayay ciidamada ay geysay Gobolka Gedo, ayaa sheegay in Xukuumadda si ula kac ah ay u cunaqabateyneyso shacabka Soomaaliyeed.

Mudanaha ayaa xusay in maalmo ka hor al Shabaab ay weerareen saldhigyo ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Shabellaha hoose, isagoona ku eedeeyay dowladda in aysan dan ka gelin in ciidanka dheeri ah ay geyso Shabaellaha hoose.

Shacabka reer Gedo waxaa ay kamid ah yihiin shacabka Soomaaliyeed, mana ahan al Shabaab, waxaana ay leeyihiin xuquuq, ayuu sii raaciyay.

Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa maalin ka hor ku dagaallamay magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Warar kale oo la xiriira