Warar 

Golaha Midowga Murashaxiinta oo soo dhoweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Puntland iyo Jubbaland

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhoweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland. 

Golaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in ay shir deg-deg ah ay isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xalay soo magacaabay Guddiyada doorashooyinka heer federaal oo ay iyaga keligood ka harsanaayeen. 

Halkan ka akhriso..

Warar kale oo la xiriira