Warar 

Waa kuwee daneeyayaasha uu la kulmi doono Guddiga Doorashooyinka ee Federaalka?

Magaalada Mogadishu maanta waxaa lagu qabtay shir dib-loogu-eegayay qodobadii ka soo baxay shirkii dib-u-eegista wax-qabadkii Guddiga intii u dhaxeysay sannadadii 2015 -2020 iyo samaynta Istaraatiijiyadda sannadka 2021-2025.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliima Yarey, ayaa guddoomineysay shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Guddiga oo ku taala magaalada Mogadishu.

Guddoomiyaha Guddiga, komishineerada , lataliyayaasha, Xoghayaha joogtada ee Guddiga, Diwaangaliyaha Xafiiska Xisbiyada iyo Agaasimayaasha ayaa ka qeyb-galay kulanka oo diirrada lagu saaray in tala wadaag lala sameeyo dhammaan daneeyayaasha, kuwaas oo saamayn ku leh hawlahaha Guddiga. 

Daneeyayaasha Guddiga uu la kulmi doono waxaa kamid ah:-

1. Xisbiyada sida ku meel-garka ah u diwangashan.

2. Hay’adaha Dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

3. Ururada Bulshada Rayidka iyo Warbaahinta.

4. Hay’adaha Caalamka ee sida gaarka ah ula shaqeeyo Guddiga.

Hassan Istiila

 

Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira