Aragti 

General Galaal ma mudneyn in isaga oo nabad ku jooga caasimaddiisa, uu ku dhinto gacanta wiil Soomaaliyeed

Xildhibaan, Wasiir iyo Generaal awood badan intaba wuu noqday Maxamed Nuur Galaal. Cimri dheer oo nolol wanaagsan ayaa Allah siiyay.

Wuxuu ahaa halyeey militeriga Soomaaliya iyo ka dib khabiir Soomaaliyeed oo ka faallooda istaraateejiyada mandiqadda aan caalamka kaga naal.

Kaalintiisii Hoggaamineed ee dagaalkii 1977 ayaa ka mid ah waxyaabaha uu keydka taariikhda ku galay oo ay Soomaali iyo ajnabi badani ku xusuusnaan doonaan.

Dagaalkii 1977 wuxuu ahaa mid uu militeriga Soomaaliya ku guuleystay, diblomaasiyadduna ay ku fashilantay, oo natiijadiisu ay khasaare noqotay.

Sida uu xaalku ahaa berigaas, dagaal gaaray Jigjiga iyo Dire Doa ayuu kaalin horseed ah ka qaatay, isaga oo u arka in uu Soomaalinnimo daafacayo.

Ma mudneyn in isaga oo nabad ku jooga caasimaddiisa, uu ku dhinto gacanta wiil Soomaaliyeed. 

Waa wiil ay ka dhaadhacsan tahay in waxa noloshiisa ugu muhiimsan ee uu sameyn karo ay tahay in uu gaadmo ku dilo, dad waxa keliya oo uu ka yaqaan ay tahay in ay Muslim yihiin, Soomaali yihiin, waalid iyo walaal ay ku jiri karaan, wax dhex marayna aaneey jirin.

Si kooban waa wiil la baray nacayb loo suureeyay. Nacayb uu u qabo dadka Aadanaha ugu xiga ee ah ehelkiisa Soomaaliyeed.

Nacaybkaas waa lagu soo celceliyay oo laga buuxiyay Madaxdaxiisa. Ilaa uu Madaxu nacayb la buuxdhaafo oo uu la qurxo.

Welibana aan hubo in uu og yahay in haddii uu dhib u sheegto uu ka filan karo in ay u gurmadaan oo ay u gargaaraan.

Wuxuuse doorbiday in uu laayo isaguna uu is dilo.

Sabab?

Waxaa laga dhaadhiciyay in uu dhiigga dadka isaga oo aan aqoon uu dilay uu Janno ku tegayo.

General Galaal iyo dhammaan Walaalaha Soomaaliyeed ee shalay gaadmada iyo xaqdarrada lagu dilay Ilaahow Jannada ugu bishaaree.

Wiil iyo qof kasta oo Soomaaliyeed oo aan dalka nabadeyn karin, sow ma aha in uu garto inta uu garto noole kasta? Waa inta uu garto xataa xayawaanka isku nooca ah. 

Garashadaas asaasiga ahi waa noolaha laga nabad galo si uu isagu u nabadgalo.

W/Q Yusuf Garaad 

Warar kale oo la xiriira