Warar 

Saaxiibada beesha caalamka oo soo dhaweeyay qabashada shirka madasha wadatashiga

Saaxiibada beesha caalamka ayaa soo dhaweyay qabashada shirka wadatashiga ee uu Madaxweynaha Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed la yeelan doono madaxda Dowlad Goboleedyada, shirkaas oo lagu qaban doono magaalada  Dhusamareeb inta u dhexeysa 1da ilaa 3da Febraayo.

“Waxaan ugu baaqeynaa ka-qeybgalayaasha inay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehantahay uga qaybqaataan madashaas, si xal loo helo iyadoo loo marayo isu tanaasul cadaalad ku dhisan oo loo sameeyo danta qaranka, laguna heshiiyo hirgelimta hanaankii 17kii Sebtembar ee dardargelinta qabashada doorashooyin ka dhaca Soomaaliya oo dhan”

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira