Warar 

Kulan looga hadlayo doorka haweenka ee hannaanka dhab-u-heshiisiinta Qaranka oo maanta ka furmay Mogadishu

Magaalada Mogadishu maanta waxaa ka furmay shir saddex maalmood soconaya oo looga hadlayo doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin hirgelinta qorshaha hannaanka dhab-u-heshiisiinta Qaranka.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa diirradda lagu saaray sidii haweenku ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dhab-u-heshiisiin ka hirgasha dalka. Shirka waxaa ka soo qeyb-galay haween ka kala socday dowlad-goboleedyada, gobolka Banaadir, ururada haweenka ee ka jira dalka iyo ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa wasaaradda arrimaha Gudaha uga mahadcelisay la tashiyada ay haweenka kala sameyneyso Dhab-u-heshiisiinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Saciid Cabdullaahi Calasow oo furay kulanka ayaa tilmaamay in haweenku ay laf dhabar u yihiin Dhab-u-heshiisiinta, isaga oo ugu baaqay iney door muhiima ka qaataan.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira