Warar 

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta gaaray magaalada Samareeb

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Samareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qeyb galaya shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada ee ka furmaya magaalada Samareeb, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Qaranka.

Shalay magaalada waxaa gaaray madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira