Baarlamaanka 

Baarlamaanka Hirshabelle oo u codeeyay in wakhti dheeri ah la siiyo soo dhisida xukuumadda

Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed, ayaa shalay shir-guddoominayay fadhi Golaha uu yeeshay, kulankaasi oo uu horyimid Madaxweynaha dowlad-goboledka Hirshabelle Mudane Cali Guudlawe Xuseen.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaannada ka codsaday in ay siiyaan fursad uu kusoo dhiso xukuumad ka turjumeysa baahiyaha deegaannada Hirshabelle. 

Xildhibaannada ayaa cod-gacan taag ah ku ansixiyay codsiga madaxweynaha, waxaana oggolaatay 54 Mudane, ma jirin mudane diiday ama ka aamusay.

Baarlamaanka ayaa ka codsaday Madaxweynaha in sida ugu dhaqsiyaha badan usoo magacaabo xukuumadda, madaama wakhtigii la siiyay uu dhammmaaday.

Hassan Istiila 

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira