Warar 

Shirka wadda-tashiga doorashooyinka oo maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirka waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Md. Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Denni, Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Hirshabeelle Md. Cali Guudlawe, Madaxweynaha Koofur Galbeed Md. Cabdicasiis Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdishu Md. Cumar Maxamuud Filish.

Shirkaan ayaa looga arrinsanayaa xalinta tabashooyinkii la xiriiray Hanaanka Doorashada qaranka ee lagu heshiiyay 17kii September 2020.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira