Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland oo maanta ansixiyay hindise-xeereedka diiwaan-gelinta cod-bixiyaha

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman , ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoominayay fadhiga 26-aad ee Kalfadhiga 47-aad.

Kulanka ayaa maalintii 2aad looga dooday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha. 

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 42 mudane, ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL qodob-qodob uga doodeen xeerka oo lagu daray wax-ka-bedelka Guddiga, wax-ka-bedelka Golaha iyo sidii hore ee lagu soo gudbiyey hindise-Xeereedka sida uu qabo Qodobka 70-aad Dastuurka Dawladda Puntland.

Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha ayaa si faah-faahsan uga hadlaya dadka xaqa u leh is diiwaan-gelinta, habka diiwaan-gelinta, hir-gelinta wacyi-gelinta diiwaanka cod-bixinta, waxa uuna ka kooban yahay 36 Qodob.

Ugu dambeyntii Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa cod u qaaday Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha waxaana u codeyay Ogol 40 Xildhibaan, Diidmo 2, Aamus 0 Mudane.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira