Warar 

Guddiga doorashooyinka oo Qaramada Midoobe u caddeeyay in ay diyaariyeen howlihii farsamada doorashooyinka

Guddoomiyha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Mudane Maxamed Xasan (Ciro) ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan. 

Guddoomiyaha Guddiga ayaa warbixin kooban ka siiyay wakiilka QM Soomaaliya, diyaar garawga hawlaha doorashooyinka dalka, isagoona hoosta ka xariiqay in ka guddi ahaan ay diyaariyeen dhammaan howlihii farsamo ee loo baahnaa si dalka doorasho uga dhacdo.

Mr James Swan, ayaa dhankiisa sheegay in QM ay mar kasta diyaar ay u tahay in ay taageero buuxda ka gaystaan geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira