Baarlamaanka 

Madaxweyne Farmaajo oo maanta hortagaya xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta hortagaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii maalmo ka hor uu codsaday in uu horyimaado Golaha.

Golaha Shacabka ayaa xalay ku dhawaaqay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulan gaar ah oo ajandihiisa uu yahay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka ayaa kulanka ka qeyb-geli doona, sida uu codsaday madaxweyne Farmaajo.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa aaminsan in kulankaasi aanu aheyn mid muhiim ah oo ka turjimi kara xaaladda maanta ka jirta dalka Soomaaliya.

Halkan kala soco kulanka…

Warar kale oo la xiriira