Baarlamaanka 

Madaxweyne Farmaajo oo maanta khudbad u jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta oo sabti ah khudbad u jeediyay xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay xaaladda doorashada, gaar ahaan shirkii ku dhammaaday natiijo la’aanta ee dhex maray madaxda maamul-gobolleedyada iyo dowladda federaalka.

Mudane Farmaajo, ayaa sheegay in uu tanaasul badan u sameeyay maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxaana uu xusay in ay jirto fursad kale oo la isugu yimaado si xal loo gaaro.

Waxaa kaloo jirta faragelin dalal shisheeye ay ku hayaan doorashaooyinka dalka, ayuu yiri

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira