Warar 

Shirka wadda-haddalada doorashooyinka Soomaaliya oo ku soo dhammaaday natiijo la’aan

Shirkii wadda-tashiga doorashooyinka ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo madaxda maamul-gobolleedyada ayaa maanta kusoo dhammaaday is-faham waa iyo in dhinac walba uu dhinaca kale ku eedeeyo in uu sabab u ahaa bur-burka wadda-haddalada.

Shirkii dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb, ayaa qodobada la isku mari waayay waxaa kamid ahaa arrinta gobolka Gedo iyo xildhibaannada Goboladda Waqooyi.

Wasiirka warfaafinta Dowlada Federalka Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ku eedeeyay hoggaanka Jubbaland inay diideen dhammaan qodobada xalka u ahaa arrinta Gobolka Gedo, isagoo intaa ku daray inay tuhunsan yihiin inay dalal shisheeye dabada ka riixayaan in aan arrinta si fudud ku dhammaan, kana hortaagan yihiin inay doorashadu dhacdo.

Dhinaca kale madaxweynaha Jubbaland ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in shirka uu isaga ka socon waayay.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira