Warar 

Waa maxay mowqifka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal kaddib natiijo la’aanta shirka Dhuusamareeb?

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay is-afgaran waagii uu ku soo dhammaaday shirkii Samareeb, wuxuuse muujiyay in ay jirto rejo wanaagsan oo weli lagu xallin karo is mari-waaga taagan.

Dhinacyada ayuu ugu baaqay in aysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020, heshiiskaas oo baarlamaankuna ku meel mariyey hindise-sharciyeed qeexaya sida lagu soo dooranayo xubnaha Barlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Guddigu wuxuu u soo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed in ay muhiim u tahay xilligaan in laga wada shaqeeyo isu keenidda dhinacyada hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlaha Xubnaha ka ah. Wuxuuna guddigu ku boorrinayaa culimada, hoggaanka dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda in ay lagama maarmaan tahay in ay qaataan doorkooda soo jireenka ah ee xalinta khilaafyada lagu xalinayey hab dhaqameedka, kaasi oo ahaa wakhti dheer xalka rasmiga ah ee ay Soomaalidu dhexdeeda isku xalliso”

“Guddigu, wuxuu xasuusinayaa hogaamiyayaasha in mas’uuliyadda qabsoomidda doorashooyinku ay si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran iyo si ay u gaaraan xal degdeg ah, lagama maarmaanna ay tahay in ay ka shaqeeyaan isu keenidda iyo maslaxada guud ee wadanka”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddiga.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira