Baarlamaanka 

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta ansixiyay wax-ka-beddelka sharciga waxbarashada

Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo ay wehliyaan guddomiye ku-xigeenada 1-aad iyo 2-aad, ayaa maanta shir-guddoominayay fadhigii 11-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka.

Ajandaha kulanka ayaa kala ahaa akhrinta saddexaad ee wax-ka-beddelka sharciga waxbarashada heerka 1-aad, 2-aad, iyo tacliinta sare iyo qeybinta warbixin ku saabsan wax-qabadkii boqolka (100-ka) maalmood ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.

Xildhibaannada ayaa maanta ansixiyay wax-ka-beddelka sharciga waxbarashada, waxaanna oggolaatay 170 Mudane, ma jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay. 

Dhinaca kale, xildhibaannada ayaa maanta loo qeybiyay warbixinta boqolka maalmood ee xukuumadda.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira