Falanqeyn 

Maxaa dhici kara maanta marka uu dhammaado muddo xileedka Farmaajo, hadda ka horse ma dhacday?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii khudbad ka hor jeediyay xildhibaannada golaha shacabka, ka dib fashilkii ku yimid shirkii Dhuusamareeb ee uu la lahaa madaxda maamul goboleedyada.

Shirka natiijo la’aanta ku soo dhammaaday ee Dhuusamareeb ayaa u jedadiisu ahayd in laga heshiiya khilaaf hareeyay fulintii heshiiskii September ee ay dhinacayadu ku heshiiyeen in la qabto doorasho dadban ka hor inta uusan muddo xileedka madaxweynaha dhammaanin.

Muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sida uu dastuurka qabo waxa uu ku egyahay 8-da bisha February, oo ku beegan Isniinta maanta, inkastoo aan wali lagu hashiinin nidaamka doorashada.

Waxaan xitaa ilaa hadda qabsoomin doorashada baarlamaanka oo sharcigeedu ahaa in ay dhacdo bsihii December.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan “jiri doonin firaaq dastuuri ah” balse ma shaacinin qaabka looga baaqsan doono firaaqigaasi maadama xil hayntiisa dastuurka ku eg tahay 8-da Febraayo oo Isniint ah.

Haddaba maxaa dhici kara?

Horay ayuu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in aanu dooneyn in uu waqtiga dheeraysto.

“Waqti kororsi ama muddo ku darsasho runtii wax wanaagsan ma aha. Qof walba oo la doortay, hadduu yahay maamul goboleed iyo hadduu yahay dowladda federaalka waqtiga uu ugu egyahay ma dooneyno in hal maalin loogu daro, maxaa yeelay waxay abuureysaa kalsooni darro, waxay noqoneysaa xarig furtay, haddii qof loogu daro wax celin kara malaha. Sidaas darteed ma aha wax qof loogu dan leeyahay laakiin waa in ay xeer noo noqoto,” ayuu Farmaajo ka yidhi khudbad uu qaranka u jeediyay.

Hase yeeshee, wali tuhunka muddo korosiga meesha kama uusan bixin.

Golaha musharraxiinta mucaaradka ah ayaa ka digay in xukuumadda federaalka ay sameysato muddo kororsi, taasoo ay marar badanna ku celceliyeen in aysan aqbali doonin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, oo hadda ah guddoomiyaha golaha musharraxiinta xilka madaxweynaha, ayaa sheegay “in ay ka xun yihiin in xilliga dowladda uu dhammaaday iyadoo aan heshiis laga gaarin doorashada.

Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la yeesho kullan ballaaran oo dhinacyadu u dhan yihiin oo looga arrinsado xilliga kala guurka haddii uu fashilmo shirka Dhusamreeb muddo xileedka madaweynuhuna dhammaado

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dhankooda “aysan aqbali doonin wax muddo kororsi ah, tallaabo kasta oo la qaadayana in ay ahaato mid ku timaada wadatashi iyo wada oggol, oo ah heshiis siyaasadeed.”

Hadaba maxaa dhici kara wixii ka dambeeya Isniinta?

Waxay u muqataaa in shirka fashilmay ee Dhuusamareeb uu ahaay rajada kaliga a ee xalka lagu heli lahaa ka hor inta uusan dhammaanin muddo xileedka madaxweynaha, waxyna u muuqataa in taasi ay hadda meesha ka baxday.

“Khudbadda(Madaxweyne Farmaajo) haddaad dhagaystay muddo korarsigu wuu ku dhex jiraa hadalkiisa sababtoo ah firaaq ma dhacaayo ayuu dhahay, firaaq haduusan dhaceyn waxaan karorasi aheyn miyaa jira ileen doorasho ma dhacaysee ” ayuu yiri Prof Afyare Cabdi Cilmi oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya.

“Labada gole ee baarlamaanka iyo madaxweynuhu waxay ansixiyeen qeynuun dhigaya in baarlamaanka uu sii joogayo ilaa kan cusub ee la doorto uu fariisanayo. Marka su’aashu waxay tahay haddii uu baarlamaanku sii fadhinayo madaxweynuhu ma sii fadhin doonaa?

“Anigu waxaan ku talin lahaa, baarlamaanku hadduu sii joogayo in saddex bilood lagu daro waqtiga dowladda, saddexdaas bilood madaxweynaha qudhiisa in loo daayo inuu messha sii joogo, laakiin shuruud lagu xidho aan laga baxsan karin – oo ah in bisha koowaad lagu doorto Aqalka Sare, bisha labaad in lagu doorto Aqalka Hoose, bisha saddexaad dhexdeedana madaxweynaha lagu doorto,” ayuu yidhi Barfasoor Samatar.

Hadda ka hor ma dhacay muddo korosi?

Doorashadii sanadkii 2016-kii ee madaxweynihii xiligaas Xasan Sheekh Maxamuud iyo tii ka horeysay ee sanadkii 2012-kii wakhtigaas oo Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweyne ka ahaa dalka ayaa labada madaxweyne xiliyadaas qaab farsamo ah loogu daray wakhtiga kadib markii xiligii lagu balansanaa in doorashada lagu soo gabgabeeyo ay suurta gal noqon wayday. Waxaa sidaas darteed dhacday in muddadaasi wakhti loogu daray. Tusaale ahaan Xasan Sheekh ayaa loogu daray muddo lix bilood ah, waxaana socday hannaanka doorashada.

Guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mar uu ka qayb galayay bishii la soo dhaafay dood uu qabtay Machadka daraasaadka ee Heritage waxaa uu sheegay in haddii la gaaro sideeda bisha Febraayo isla markaana aaney doorasha dhicin ay dhacayaan wixii dhacay sanadkii 2016-kii markii sidii qorshuhu ahaa wax u dhici waayen.

“Sideeda Febraayo waxaa dhacaya wixii dhacay 2016-kii waad la socoteen sanadkii 2016-kii baarlamaankii federaalka wuxuu ku ekaa bishii sideedaad waa laga gudbay bishii sagaalaad tobnaad,kow iyo tobnaad bishii toban iyo labaad ayaa la gaaray baarlamaanka waxaa la dortay 27 bishii December “,ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Guddoomiye Mursal waxaa uu intaa ku daray in xiligaa baarlamaanka iyo madaxweynuhuba ay ku joogeen qaab sharci ah oo dastuurku qeexayo .

“Aan ka bilowno sideedaad oo wakhtigu ka dhamaan lahaa baarlamaanka madaxweyne Farmaaja-na waxaa la doortay bishii Febraayo waa lix bilood oo madaxweyne Xasan sheekh uu joogay wuxuuna ku joogay sharci oo sharci la’aan kuma joogin madaxweynaha wuxuu ku joogay sharci Number 20 oo isagu uu saxiixay marka annaguna sharcigaa uu saxiixay ayaan tix raacaynaa marka sidii 2016-kii uu ahaa Xasan sheekh ayuu Farmaaja-na ahaanayaa 2021” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Balse Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo isla madasha uu ka hadlay Guddoomiye Mursal uga jawaabayay hadalkiisa ayaa sheegay in sida Mr Mursal wax u sheegay aaney sax uwada ahayn waxaana uu sharaxaad ka bixiyay sida xiligaa wax ahaayen.

 

“Guddoomiye Mursal siduu ra’yigiisa u cabbiray sax maaha horta baarlamaankii sagaalaad bishii sideedaad ayuu wakhtigu dhamaaday waa sax bishii sagaalaad ayaa la joogay bishii tobnaad doorashada baarlamaanku waa bilaabatay oo waa socotay waxa wakhtigaas loo gaarayna doorashada baarlamaanka oo socota ayay ahayd “ayuu yiri madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ayaa intaa ku daray in xiligaas ay wax socdeen oo intii aan la gaarin bisha Jannaayo baarlamaanka qayb la doortay qaybna ay harsaneed hase yeeshee hadda aaney waxba socon isla markaana aan is barbardhig lagu sameyn karin labada xili.

Wuxuu intaasi ku daray in la ogeyn waxa dhici kara 8 febraay haddii la gaara iyadoo an heshii laga gaarin doorashada. “Waligeed horay uma dhicin tan oo kale, marka ma naqaaanna waxa dhici kara”, ayuu yiri Xasan Sheekh

Maxay beesha caalamku ka tiri arrintan?

Waddamada beesha caalamka oo dhawaan qoraal ka soo saaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku booriyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Maamul Goballeedyada in ay xaliyaan khilaafka ka taagan hannaanka doorashada Soomaaliya isla markaana ay ku saleeyaan wax walba heshiiskii madaxdu 17- bishii September ee sanadkii 2020-kii gaareen .

Intii uu socday Shirkii dhawaan fashilmay ee ku soo gabagaboobay magaalada Dhuusamareeb ayaa Saaxiibbada beesha caalamku ee Soomaaliya waxay uga digeen hoggaamiyaasha Soomaaliya in ay isku raacaan wax garab marsan heshiiskii horey loo gaaray tallaabadaas oo keeni karta sida ay sheegeen dib u dhac ku yimaada hannaanka doorashooyinka iyo dadaallada lau doonayo in xal lagu gaaro .

Waxay ka digeen doorasho qabyo ah iyo hannaan cusub oo hareer marsan heshiiskii hore. BBC Soomaaliya ayaa warbixinta markii hore lagu daabacay.

Warar kale oo la xiriira