Baarlamaanka 

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta ku dhawaaqay Kudlada Badbaadinta Qaranka

Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Mogadishu, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadda ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Senator Ilyaas Cali Xasan, ayaa Kalfadhi u sheegay in xildhibaanno ku dhow 140 mudane ay ka qeyb-galeen kulanka, kuwaasi oo ku dhawaaqay Kudlada Badbaadada Qaranka.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo kamid ah Golaha Shacabka oo akhriyay war saxaafadeedka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu ku fashilmay inuu dalka ka qabto doorasho, sidoo kalena uu la heshiin waayay madaxda dowlad Goboleedyada.

“Ma aqbali doono in Madaxda dowladda sameeyaan muddo kororsi, xukuumadana waa mid xil gaarsiin ah oo howlo caadi ah qaban kara ha yeeshee arrimo dastuuri ah ma qaban karaan.”

Muddo-xileedka madaxweynaha ayaa waxaa ay dhammaatay 8 bishan Febraayo balse waxaa jira sharci Baarlamaanka uu meel-mariyay, kaas oo sheegaya in madaxda hay’addaha dowladda ay xilka sii heyn doonaan ilaa laga soo doorto madaxdii beddeli laheyd.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira