Warar 

Xukuumadda “Madaxwayne Farmaajo iyo baarlamaanka weysii joogayaan ilaa laga helo madax lasoo doortay”

Musharaxiinta mucaaradka ah iyo dawlad goboleedyada Soomaaliya qaarkood ayaa sheegay in mar hadii ay dhamaatay muddo xileedkii xukuumadda federaalka ah ee dalku aanay aqoonsanayn sharciyadda madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Balse afhayeen xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Maclimu ayaa ku tilmaamay mid sharci daro ah hadalada ka soo yeeray xubnaha mucaaradka.

Mr Maclimu ayaa farta ku fiiqay in ilaa laga helayo madaxwayne iyo baarlamaan la soo doortay madaxda joogta ay xilka sii hayn doonaan.

” Marka hore soo jeedinta xubnaha mucaaradka ma aha mid sharci ku qotonta, sababtoo ah waxaa la ogyahay in qaraar baarlamaan uu jiro oo horey baarlamaanka hadda jooga ee 10aad ay u ansixiyeen labadiisa taasi oo ah in baarlamaanka hadda jooga waxa badalaya oo kali ah baarlamaan la soo doortay hay’adaha kale ee dastuuriga ee madaxda ay ka mid tahay waa la mid ,, ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

Muudo xileedka Mxaamed Cabdulahi Framaajo ayaa dhammaaday 8-da bishan islamarkana ma jiro heshiis siyaasadeed oo ilaa iyo imika laga gaaray oo arrimaha doorashada.

Warar kale oo la xiriira