Warar 

Maamulka Puntland oo soo dhoweeyay shirka wadda-tashiga doorashooyinka

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, ayaa xalay soo dhoweeyay shirka wadda-tashiga doorashooyinka ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Farmaajo.

Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shirka lagu baaqay uu yahay mid aan laga tashan ayna ku talineyso in lagu qabto magaalada Muqdisho.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.”ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Maamulka Puntland.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira