Baarlamaanka 

Ra’iisal Wasaare Maxamed Rooble maanta muxuu u sheegay Baarlamaanka Soomaaliya?

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta uga warbixiyay Golaha Shacabka ee BFS waxyaabihii u qabsoomay 100-kii maalmood ee Xukuumaddu shaqeyneysay oo ku saleysan barnaamijkii xukuumaddiisu ay horay ula wadaagay Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Golaha u faahfaahiyay arrimaha uga qabsoomay afarta tiir ee saldhigga u ah howlaha xukuumadda, kuwaas oo kala ah, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta Dhaqaalaha: Amniga iyo Cadaaladda iyo Horumarinta Arrimmaha Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geynayso in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin ku dhaca si xasilloon iyo hannaan la isla wada ogol yahay, si taasi u hirgashana ay laga maarmaan tahay in laga wada xaajoodo caqabadaha ku hor gudban hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay masuuliyad ka saaran tahay amniga dalka iyo ilaalintiisa, isla markaana aan qofna laga aqbalayn in uu isku dayo qalqal galinta amniga iyo degganaanshaha dalka.

“Qofna lagama aqbalayo in uu isku dayo qalqal galinta amniga iyo degganaanshaha dalka. Dowladnimada aan maanta haysannaa, waxay noogu fadhidaa qiime aad u weyn , waxaana waajib nagu ah in aan wada ilaashanno. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Nin aan kuu furi doonin, yaanu kuu rarin”.

Mudane Rooble, ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay dadaado badan ku bixisay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan soo magacaabida guddiyada iyo booqashooyin uu ku tagay qaar kamid ah xarumaha maamul-gobolleedyada, la tacaalidda xanuunka COVID, kordhinta daqliga gaar ahaan daqliga kasoo xarooda dekadda oo kordhay 30 boqolkiiba.

Maxamed Ibraahim, oo kamid ah dhallinyarada sannadka hamiga ka leh ka mid noqoshada Baarlamaanka, ayaa Kalfadhi u sheegay in muddada gaaban ee uu xukunka joogo iyo dedaalka uu sameeyay Mudane Rooble ay isku qalmaan, balse waxaa uu xusay in safar dheer iyo wakhti gaaban ay ku hor-gudbanyihiin isaga iyo xukuumaddiisa.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira