Baarlamaanka 

Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta warbixin siiyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka siiyay warbixin ku saabsan wax-qabadkiisa boqolka maalmood ee uu joogay xafiiska.

Mudane Rooble, ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay dadaado badan ku bixisay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan soo magacaabida guddiyada iyo booqashooyin uu ku tagay qaar kamid ah xarumaha maamul-gobolleedyada, la tacaalidda xanuunka COVID, kordhinta daqliga gaar ahaan daqliga kasoo xarooda dekadda oo kordhay 30 boqolkiiba.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in uu waxbadan ka qabtay dhinacyada abaaraha iyo fatahaadada, is-dhexgalka bulshada iyo amniga. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay in arrimaha doorashooyinka ay ka qaadanayaan doorkooda kaga aadan.

Warar kale oo la xiriira