Warar 

Golaha Wasiirada Jubbaland oo maanta Baarlamaanka u gudbiyay saddex xeer oo ay ansixiyeen

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ugu horreyn waxaa lagu falanqeeyay xaalada siyaasada dalka iyo mudo xileedka dowlada federaalka ee dhammaaday. 

Dhinaca kale golahu wuxuu meel mariyay saddex xeer oo ay soo gudbisay Wasaarada Ganacsiga kuwaas oo kala ah.

1. Xeerka maalgashiga Jubaland.

2. Xeerka shatiyada Jubaland.

3. Xeerka shirkadaha Jubaland.

Meel marinta saddexdan xeer ayaa waxaa loo gudbin doona golaha Baarlamaanka sii ay uga gutaan waajibaadkooda.

Hassan Istiila

Mogadishu, Somalia 

Warar kale oo la xiriira