Warar 

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo maanta looga hadlay arrimo ku saabsan doorashooyinka federaalka

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, kaas oo looga hadlay doorashada Soomaaliya, amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka, horumarinta waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland. 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.

Dowladda Puntland ayaa soo jeedisay in ay muhim tahay in dhakhso shir la isugu yimaado oo lagu qabto Muqdisho madaama Hay’adda Dastuuriga ah ee DFS wakhtigoodu dhammaaday.

Warar kale oo la xiriira