Baarlamaanka 

Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo sheegay in Soomaaaliya hadda ay Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyne ay ka yihiin Yamamoto iyo James Swan

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar, oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo shalay warbaahinta kula hadlayay afaafka hore ee xarunta KGM ee Baarlamaanka, ayaa sheegay in dalka Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare ay hadda ka yihiin safiirka Mareykanka Yamamoto iyo James Swan oo ah wakiilka Qaramadda Midoobe ee Soomaaliya.

Mudane Dhaqtar, ayaa xusay in dowladda iyo xukuumadda ay shaqeyn waayeen, taasi beddelkeedana ay hadda shaqeynayaan Yamamoto iyo Swan, waxaa uu hadalkiisa raaciyay haddii qof uu shaqadiisa gudan waayo in la beddelayo.

“Howsha xukuumadda ay leedahay waxaa qabanaya beesha caalamka, sidaasi awgeed doorashadii dadbaneyd wey ku fashilmeen”, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Muddo xileedka Madaxweynaha ayaa dhammaaday 8-dii bishan, iyadoo doorashada aan heshiis lagu aheyn balse qaraar Baarlamaanka uu meel-mariyay ayaa tibaaxaya in hay’addaha dowladda iyo madaxduba ay joogayaan ilaa laga soo doorto ama laga soo magacaabo kuwii beddeli lahaa.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin ka hor shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Warar kale oo la xiriira