Baarlamaanka 

Baarlamaanka Hirshabelle oo ansixiyay Guddiyo muhiim ah

Baarlamaanka Hirshabelle ayaa shalay yeeshay kalfadhiga 1aad fadhigiisa 17aad, kaas oo ajandihiisa uu ahaa ansixinta Guddiyada Dastuurka iyo xeer hoosadka Baarlamanka Hirshabelle.

Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Guddoomiye ku-xigenka 2-aad Mudane Mahad Hassan Osman ayaa shir-guddoominayay kulanka oo ka qabsoomay caasimada Hirshabelle ee jowhar.

Dood iyo codeyn kaddib, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in 49 xildhibaan ay ansixiyeen guddiyada, 5 xildhibana ay diideen halka 3 mudane ay ka aamuseen. 

Warar kale oo la xiriira