Baarlamaanka 

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo soo dhoweeyay shirka golaha wada-tashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil bin Cabdul Raxman Al Casumi, ayaa soo dhoweeyay shirka golaha wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

“Waxaan soo dhoweyneynaa wadahadalka qaran ee Soomaaliya waxaana ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada is haya inay si wax ku ool ah uga wada shaqeeyaan arrintan oo ah masiirka dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, ayaa soo dhoweeyay baaqii ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ee ahaa in la qabto wadahadal wadatashi ah bishaan Febraayo 15-keeda iyo 17-keeda, si loo gaaro hishiis loona qabto doorasho la isku raacsan yahay.

Warar kale oo la xiriira